XOG: Madaxda Al shabaab oo la ogaaday Gobalka ay ku Dhuumanayaan & Sababta ay u doorteen

0
458

Ilo dhanka ammaanka ah, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Gobolka Shabellaha dhexe ay buux dhaafiyeen Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib markii ay ka soo carareen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe.

Saraakiisha Shabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe lagu arkay, ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Xuseen Cali Fiidow, Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan iyo Saraakiil badan oo ka tirsan Ururka Al Shabab.

Waxaa kale oo ka mid ah xubnaha Gobolka Shabellaha dhexe lagu arkay Gudoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolka Galgaduud Xasan Yacquub Cali iyo saraakiil kale.

Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii Saraakiishaan ay u arkeen Gobolka Shabellaha dhexe goob ka nabdoon duqeymaha kala duwan ee diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan Gobolada dalka Somaliya.

Inta ugu badan Saraakiishaan ayaa waxa ay ka yimaadeen Gobolka Shabellaha hoose, marka laga reebo Sheekh Abuu Nabhaan oo ka yimid dhanka Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa Bishii December sheegay Shabaab badan oo ka baxsanaya duqeymaha Mareykanka ee Somaliya inay gaareen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe.

Duqeymaha ugu badan ee diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa waxa ay ka fuliyaan Gobolka Shabellaha hoose oo inta ugu badan Saraakiisha Shabaab ay ka buuxaan.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here