XOG: Dowlada Imaaraadka oo Lacago Waali ah u Adeegsatay Baarlamaanka Somalia

0
360

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hore dowladda Imaaraadka kaga gudbiyay Mooshin iyaga oo sheegaya in uu safiirkooda faragelin iyo daba-mareen uu ku haayo dowladda Soomaaliya.

Hadaba Mooshinkaasi oo waqtigii loo gudbiyay Baarlamanka ay ka soo wareegatay muddo Labo bilood ah ayaa gabi ahaanba la burburiyay sida ay ogaatay Wakaalada Calanka24.com oo soo bandhigta xoggaha iyo macluumaadka qarsoon.

Safiirka Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa xafiiskiisa Muqdisho isugu yeeray Xildhibaanno ay ka mid yihiin Cabdullahi Sheekh Ismaaciil, Zakariye Maxamud Xaaji iyo  Axmed Macalin Fiqi oo hore guddoonka golaha shacabka ugu gudbiyay Mooshinkan, waxaana uu u sameeyay balanqaadyo waa wweyn isagoo dhinaca kale siiyay Lacago aad u badan si ay u aamusaan, waxaana gabi ahaanba meesha ku dhamaaday Msoohinkii la lahaa shacabka ayaa loogu daneynaa oo laga waday Imaaraadka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa kaalin muhiim ah ku leh siyaasada Soomaaliya, iyadoo mashaariic aad u badan ka fulisa Soomaaliya, balse ay dano gaara oo aysan waxba ka qaban Karin madaxda ay ku hoos wadato.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here