XOG: Wasiir Bayle Oo Keenay Qorshe Canshuur Qaad Oo Dad Badan Ka Qeylin Doonaan

0
226

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa diyariyey qorshe cusub oo nooc canshuur ah, islamarkaana la doonayo in looga guud ahaan shacabka Soomaliyeed, haba lagu bilaabee kuwa Muqdisho.

 Canshuurtan aya ah midda boqolleyda, waxaana la doonayaa in laga dhaqan geliyo meel walbo oo shaqaale ay joogaan.

Goobaha loo shaqeeyo sida shirkadaha ayeey wasaaradda geyn doonta warqado ay ku tiro koobeyso shaqaalaha, islamarkaana ku oganeyso mushaarkooda, waxaana shirkad walbo ay ka rabi doontaa bil walbo in qoondo ah lacago canshuur oo laga jaro shaqaalaha.

Sidoo kale shirkadaha xawaaladaha ayaa laga qaado doonaa lacag cabshuur ah oo laga jaro lacagaha dibadaha laga soo dirayo.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here