XOG CULUS: R/wasaare Kheyre oo Iscasilaya Bisha soo socota & Imaaraadka oo Badbaadin kara

0
7237

Xog gaara oo ay heshay Wakaalada Calanka24.com ayaa sheegeysa in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu xafiiska ka tagi doono Bisha Soo socota ee Febraayo ama Xubno badan uu ka siin doono golaha wasiirada Mucaaradka ay maalgaliso Dowlada Imaaraadka.

Cadaadiska Mucaaradka ee xukuumadda Kheyre oo markaan u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana la hordhigi doonaa inuu xafiiska ka diro Ra’iisul wasaare Kheyre ama uu isaga waayo xilkiisa.

Markasta oo Madaxweyneyaasha doorasho la siiyo waxay cafiiska ka diraan Ra’iisul wasaaraha kamana duwanaan doono Farmaajo madaxweyneyaashii isaga ka horeeyay oo markasta kala doorta la dhihi jiray xilkiina ama xilka Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaare Kheyre wuxuu isku badbaadin karaa inuu isku shaandheyn ku sameeyo golahiisa wasiiradda taasoo dhalin karta in Mucaaradka Imaaraadka ay helaan kuraas badan markaasna wuu sii heyn doonaa xilka laakiin haduu ka biyo diido arintaasi waxaa boqolkiina 70% la sheegayaa in Kheyre uu bixi doono Bisha Febraayo.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here