DAAWO: Madaxweynaha Puntland Oo Ku Hanjabay Degaal Ka Dhan ah Somaliland, Amar Deg Deg ahna Siiyey Ciidamada

0
140

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay Madaxtoyada Puntland ayaa ka hadlay werarkii dhawaan ciidamada Somaliland ay ku qaaden degaano ka tirsan Gobalka Sool oo ku dhaw caasimada Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay kusoo duushay degaanada Puntland xili puntland ay ku mashqulsan tahay degaalka ka dhanka al.shabaab oo ay ka wado degaanada buuraha gal-gala ee Gobalka Bari.

“Waxa ogtihiin in maamulka Hargeysa uu werar ku soo qaaday Puntland degaalkas u kula waregay degaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ogaada Somaliland waxa ay wada colaad halkaas ka imaato waxii ka yimaadana ay iyada masuul ka tahay isla markaana ay garab siineyso argagixisada’ ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka soomaaliyed, Dowlada dhexe ee Somaliya iyo Beesha Caalamka ku war galiyey in Somaliland ay duulaan ku tahay Puntland isla markaana jawab cad puntland ay ka bixin doonto maalmaha soo socda.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here