VIDEO: Haddii Aad Maqli Jirtay Aabe Siyaad, Muqdisho Waxa Hadda Ka Jirta Aabe Cali Gaab

0
450

Magalada Muqdisho waxa laga furay xarun lagu xanaaneeyo carruurta agoonta ah ee ay ka dhinteen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, waxaana xaruntaasi loo dhiibay Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo la wada yaqaanno.

Hadaba carruurtan ayaa hela xanaano aad u wanaagsan, waxbarasho tiro ahaanna waxa ay gaarayaan 66, iyadoo ay yihiin kuwii ugu horreeyay oo xarun loo furo markii laga soo tago burburka kahor.

Hadaba carrurtaan ayaa Cali Gaab ka dhigtay aabahood oo kale, waxaana ay yiraahdaan “Aabe Cali Gaab” waana midda keentay in warkaan aan siinno ciwaanka kore.

Cali Gaab ilmahan aad buu ugu naxariistaa, wuxuuna dareensiiyaa iney lamid yihiin ilmahiisa oo kale, isaga oo siiya wax walbo oo ay u baahdaan.

Sidoo kale carrurtaan ayaa sheegaya in haddi ay wax u baahdaan ay u tagaan Cali Gaab islamarkaana daqiiqado gudahooda lagu siiyo wax walbo oo ay rabaan.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here