XOG: Ciidamada Somaliland Ee Weerarka Ku Qaaday Puntland Oo Ku Wajahan Magaalo Muhiim Ah

0
344

Warar hoose oo aan helnay waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland ee weerarka kusoo qaaday deegaannada Puntland ay ku wajahan yihiin magaalo weyn oo ka tirsan maamulka ay soo weerareen.

Calanka24  ayaa ogatay in ciidamada ay doonayaan iney gacanta ku dhigaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sidey inoo sheegeen saraakiil Somaliland ah.

Wxay ciidankani sheegeen in Puntland ay marar badan daan daansatay Somaliland, balse dagaalkan yahay midkii lagu kala bixi lahaa.

Waxay doonayaan in furumo dagaal ka dhigaan Garoowe, islmarkaana dagaalka halkaasi uu ka socod illaa iyo ebed ama la helo heshiis caalami ah.

Somaliland ayaa xadgudub u aragtay ciidamada Puntland ee ku sugan Sool iyo Sanaag deegaanno kamid ah, waxaana marar badan ay wadeyn abaabullo dagaal.

Puntland xilli walbo waxay dooneysaa iney la dagaalanto Somaliland, horeyna waxay u tabeysay deegaanno badan oo awood looga qabsaday.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here