XOG: Ciidamada DF & AMISOM ku baxay deegaano ku dhuuntaan Saraakiil Shabaab oo Cadaan ah

0
156

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa howlgal wado furis ah ka bilaabay inta u dhaxeyso degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Dabaashe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan ay u socdaan sidii loogu talogalay, islamarkaana ay  Al-shabaab ka saareen deegaanno ay ku dhuumanayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inaanu jirin wax iska horimaad ah oo ay Al-shabaab kala horyimaadeen ciidamada howlgalka wada.

“Ciidamada waxay ku baxeen deegaanno badan oo u dhaxeeya B/weyne iyo Maxaas, nimankii nabad diidka ahaa wey kala carareen oo nin walbo meeshii uu aadi karo ayuu afka aadiyay, ma jirto wax dhib ah oo ay ciidamada la kulmeen, magaca Al-shabaab ayaana laga ilaabi doonaan guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Afhayeen Dabaashe.

Xarakada Al-shabaab ayaa go’doomiyey deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ah, iyadoo sidan oo  kale ay marar badan howlgallo waddo furis ah u sameeyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here