SAWIRO: Wasiir Maareeye oo balan qaad aan horay loo arag sameeyay ka dib xil la wareegistii maanta

0
176

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday Munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Khadro Axmed Ducaale iyo wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaaradaas Mudane Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradaasi.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ra’’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,Wasiirka wasiir kuxigeenka,Wasiiru Dowlaha xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Khadra Axmed Ducaale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa faah faahin ka bixisay ugu horeyn waxqabadka Wasaaradda mudadii ay xilka haysay,waxaana ay sheegtay in ay ku guuleysatay howlo badan oo horyaalay Wasaaradda,waxayna ugu mahadcelisay dhamaan mas’uuliyiintii la shaqeysay mudadii ay xafiiska joogtay dowrkii ay ku lahaayeen dardargelinta howlaha Wasaaradda.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahadceliyay Wasiir Khadra waxqabadkeeda,isagoo balanqaaday in uu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa waa jibaadka loo igmaday.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here