XOG; DF iyo P/land oo ku heshiiyay qorshe halis ku ah S/land iyo Garowe oo looga hadlay dagaalka Tukaraq

0
287

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in shir Xasaasi ah madaxtooyada Puntland hadda uga socda Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Iyo Puntland, kaasi oo ah mid looga hadlayo Arrimo Dhowr ah.

Shirkaan ayaa ah mid dhinacyadu uga hadlay Arrimo dhowr ah, Sida Xiriirka DFS Iyo Dowlad Gobaleedka Puntland, Iskaashiga iyo Arrimo kale oo ku saabsan Safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Deegaanada Puntland.

Dhinacyada ayaa isla meel dhigay Qorsheeyaasha la Xiriira Safarka Madaxweynaha ee Deegaanada Puntland iyo Goobaha iyo Magaalooyinka uu Tagayo.

Sidoo kale,wararka ayaa intaasi ku daraya in Wasiirada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedka Puntland ay isla soo hadal qaadeen xiisada ka soo cusboonaatay deegaanada Xuduuda ee Puntland iyo Somaliland iyo sida haboon ee looga jawaabi karo.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale, caawa dambe ka qeyb galaya Xaflada Xuska Sanad Guuradii Afraad ee ka soo wareegtay markii talada Puntland uu la wareegay Madaxweyne Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here