Sidee caasimadaha loo doortaa maxayse ka dhigan yihiin?

Indhaha oo dhan waxay hadda hayaan magaalada Qudus, taas oo madaxweyne Donald Trump uu si rasmi ah ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil, inkastoo Dunida Carabta iyo meelaha ka baxsanba ay uga imaanayeen digniino ku saabsan in uusan sidaa yeelin.

Magaaladan ayaa hoy u ah dhul ay barakaystaan Muslimiinta, Yuhuudda iyo Masiixiyiinta, waa magaalo astaan ah darajada la siinayana waa waxa furaha u ah kala qaybsanaanta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in Qudus ay tahay caasimaddeeda iyo xarunta dawladda laakiin ma jirin dal kale oo adduunka ku yaalla oo arrintaas aqoonsanaa wixii hadda ka horreeyay.

Haddaba kala qaybsanaanta uu keenay go’aanka Maraykanku ayaa horseeday su’aasha ah waxa ay caasimaduhu u taagan yihiin, iyo sababta looga dhigo meesha ay ku yaallaan.

Waa kuwan afar sababood oo arrimahaas ku saabsan

1. Xukun iyo astaan midnimo

Erayga capital waa Laatiin wuxuuna ka soo jeedaa erayga capitalis oo macnihiisu yahay “madax”

Casimadda waxaa lala xiriiriyaa xukuumadda waana meesha ay ku yaalaan xafiisyada muhiimka ah ee dawladda iyo kuwa boqortooyooyinka haddii uu dalku yahay boqortooyo.

Caasimaddaas waa in la ilaaliyaa, waana in ay noqotaa meel awoodda laga maamulo, tilmaantaana midnimo.

Sidaas daraadeed dalal badan ayaa caasimadahooda ka dhiga bartamaha si loogu arko mid matasha dhamaan dalka oo aan dhib lagala kulmaynin ku xirnaanshaheeda.

Madrid waxay ku taallaa badhtamaha gacanta Iberian, halka Abuja oo si rasmi ah u noqotay caasimadda Nigeria 1991 si cusub loo dhisay maadaama oo ay bartamaha dalka dhacdo, si ay ahmiyad ugu yeesho midnimada dalkaas u kala qaybsan diimaha iyo waxyaabaha kale.

Waa maxay ahmiyadda Qudus?

Sidaas oo kalana Brazil ayaa caasimaddeeda ka wareejisay Rio de Janeiro oo ay dadku buux dhaafiyeen xeebna ku taalla waxayna u wareejisay magaalada Brasilia sannadku markuu ahaa 1961dii – fikirkuna wuxuu ahaa in la hagaajiyo gudaha dalka Brazil, sida uu ku sheegay Oscar Niemeyer oo ahaa ninkii aarintas qaabeeyay.

2. Is afgarad siyaasadeed

Markii la aasaasayay caasimadda Maraykanka ee Washington DC sannadkii 1790 siyaasiyiinta ayaa isku afgartay, haddii ay arrintaas maanta taagnaan-lahaydna sidaas way ka duwanaan lahayd maadaama oo ay kala qaybsanaan badan jirto.

Alexander Hamilton iyo gobollada waqooyigu waxay doonayeen in dawladda faderaalku ay heshiis la gasho Thomas Jefferson iyo James Madison oo doonayay in caasimadda laga dhigo dhanka Koonfureed.

George Washington ayaa doortay meesha ay hadda ku taallo ee wabiga Potomac intaas wixii ka dambeeyayna waa taariikh.

Canberra ayaa ah caasimadda qaranka AustraliaLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionCanberra ayaa ah caasimadda qaranka Australia

Australia marka laga hadlayana dad badan oo dalxiiseyaal ah ayaa inta badan la yaaba marka loo sheego in Sydney aysan ahayn caasimadda dalka ee Canberra ay tahay magaalo madaxda.

Qaar ka mid ah taariikhyahannadu waxay sheegaan in Sydney iyo Melbourne ay aad u kulul yihiin xagaaga, Canberra oo ka qabawna sidaa looga dhigay caasimadda.

“Arrinta ugu muhiimsan ee siyaasiyiinta oo dhan ay wakhtigaas isku af garteen wuxuu ahaa in dadka cad ay ku bulaali karaan hogaanna ku hayn karaan cimilo qabaw oo kali ah,” sida uu Australian Geographic u sheegay David Headon oo ah taariikh yahan.

3. Taariikh uusan fahamkeedu sahlanayn

Ma Baarliin mise Bonn? Su’aashaas ayaa timid markii la riday darbigii Baarliin 1989kii Jermalkuna uu dib u midoobay, waxaana la is waydiiyay meesha caasimad noqon doonta.

Intii lagu guda jiray kala qaybsanaantii Dagaalkii Qaboobaa Bonn waxay caasimad u ahayd Jermalkii Galbeed Baarliinna waxay caasimad u ahayd Jerlamkii Bari ama Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Jermalka.

Maanta dad yar oo ka mid ah dalxiise yaasha Baarliin booqda ee sawirrada ka qaata haraaga darbiga ayaa laga yaabaa in ay aqoon u leeyihiin Bonn. Laakiin go’aanka ayaa ka yimid codad yar oo kooban.

Markii baarlamaanka Jermalku uu cod u qaaday magaalada caasimadda noqonaysana sannadkii 1991dii Baarliin ayaa heshay 337 cod halka Bonn-na ay ka heshay 320.

Dalxiise yaal taagan haraagii darbiga BaarliinLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionDalxiiseyaal taagan haraagii darbiga Baarliin

Haddii Jermalku ay isku qabteen labada magaalo middii caasimad noqon lahayd, Koonfur Afrika ayaaba ka sii daran oo saddex magaalo isku qabatay.

Laamaha dawladda ayaana loo kala qaybiyay magaalada Cape Town baarlamaanka ayaa dagay, Pretoria maamulka ayaa saldhig ka dhigtay, halka Bloemfontein xarun looga dhigay waaxda caddaaladda, inkastoo maxkamadda racfaanku ay dagan tahay Johannesburg.

Arrintaas ayaa soo billaabatay 1910kii ka dib markii la mideeyay afar waaxadood oo ay gumaysan jirtay Britain laakiin laakiin waxay ku heshiin waayeen meesha caasimadda laga dhigayo.

Markii midabtakoorkii dhammaaday 1994tii waxaa billawday dhaqdhaqaaq lagu doonayay in lagu sameeyo caasimad cusub sida Canberra ama Brasilia, si wax cusub loo billaabo, laakiin taasi marnaba ma dhicin.

4. Damaca nin awood badan

Astana oo noqotay caasimadda Kazakhstan sannadkii 1997dii ayaa ah meel ifaysa oo ku haboon damaashaadka iyo ciyaaraha waxayna astaan u tahay damaca madaxweynaha kaligii taliska ah ee Nursultan Nazarbayev oo dalkaas haya tan iyo 1991dii.

Waxyaabaha cajiibka ah ee ka dhisan waxaa ka mid ah goobta nabadda iyo wada jirka taas oo uu naqshadeeyay Norman Foster waxaana yaala 1,500 oo kursi.

Magaaladan ayaa loo bixiyay Akmola laakiin wakhti yar ka dib ayaa loo badalay magaca Astana oo wata macno hore oo ah “xabaashii caddayd”.

Astana waa caasimad ay samaynteeda ka soo go'day hal ninLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionAstana waa caasimad ay samaynteeda ka soo go’day hal nin

Dalka kale ee Myanmar oo horay loo dhihi jiray Burma ayaa isna leh magaalo durugsan oo caasimad ah, afar meeloodoow meel ka mid ah magaalada London ayayna la eg tahay.

Nay Pyi Taw waxaa la dhisay 2005tii si ay u dagto xukuumaddiii milatariga ahayd ka hor intii uusan dalku u soo jeedsanin dhanka dimuqraadiyadda.

Caasimaddan wayn ayaa leh wax kaste sida waddooyin waawayn, beer xayawaanka lagu daryeelo laakiin dad yar ayaa ku nool.

SHARE