Farmaajo “Ahlusunna Waxa Ay Door Weyn Ka Qaadatay Dagaalka Al Shabaab”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa ku amaanay Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca doorka ay ka qaateen dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Waxa uu sheegay in ay wiiqeen Awooda Al Shabaab, islamarkaana ay ka saareen deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobollada Dhexe ee Dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Madaxda Ahlusunna Waljamaaca in ay sii labo jibaaraan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab

Waxaana uu xusay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in guud ahaan Dalka laga saaro dagaalyahannada Al Shabaab.

Hadalkan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka jeediyay Munaasabad Xalay ka dhacday Madaxtooyada, taas oo ay Heshiis ku wada gaareen Maamullada Ahlusunna iyo Galmudug.

SHARE