Dagaalkii Galmudug Ma Dhamaaday Mise Hadda Ayuu Bilowday?

Shalay waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah heshiis ka kooban 14 qodob ugu gaaray maamullada Ahlu-sunna Waljameeca iyo kan Galmudug.

Waxaa dhacay shalay sida muuqatay isku tanaasul badan si loo eego danta shacabka Mudug iyo Galgaduud, waxaana la isla gartay qodobo aad u muhiim ah.

Hadaba dad badan ayaa is weydiinaya in wixii shalay dhacay ahaayeen wax wanaagsan oo dagaalka Galmudug ku bilowday iyo sidoo kale wax kale oo dagaalka uu ku dhammaanayo.

Sidaan ogaanay dagaalka Galmudug waa uu dhammaaday, waxaana hadda la filayaa oo kaliya iney dhalato nabad iyo kala dambeyn.

Galmudug waxay u guuri doontaa degmada Dhuusamareeb oo mar hore laga soo eryaday, waxaana ay markaan si toos ah u wadi doontaa howlaha shaqo ee laga doonayay.

Waa ay jiri doonan siyaasiyiin diida sidey wax ku socdaan ama sida heshiiska ku dhacay, balse markaan inta isku garabka ah ayaa badan.

SHARE