XOG: Hoggaamiyaha Al-shabaab Oo Dirqi Ku Badbaaday Kadib Markii La…..

Warar si hoose ay u heshay wakaaladda wararka ee calanka24.com ayaa waxay sheegayaan in si dirqi ah uu ku badbaaday hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab Axmed Diiriye, kaasi oo ku dhuumanaya gobolka Gedo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in hogaamiyahan oo ku dhuumanayey keyn ku taalla Gedo ay duqeeyeen diyaarado dagaal oo loo maleynayo in Maraykanka leeyahay.

Diyaaradahan ayaa dhowr madfac ku tuuray halkaasi gelinkii dambe ee shalay oo Arbaco ahayd.

Xogta ayaa sheegeysa in qaar kamid ah ilaaladii Axmed Diiriye ay waxyeello xooggan soo gaartay, balse isaga uu badqabo, sidoo kalena aanay jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanyesa saaxiibada caalamka ayaa waxay aad u baadigoobayaan hoggaamiyaha Al-shabaab iyo sidoo kale xubno sare oo isaga la socda

SHARE