Soomaalida Maraykanka Oo Si Geesinimo Leh Ugu Banaanbaxay Trump, Sheegayna In…

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ay ku meel marisay amaradii Madaxweyne Downald Trump, ee mamnuucayay in Mareykanka ay galaan dad ka soo jeeda Sideed wadan oo ay ku jirto Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha oo u badnaa Soomaali ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan go’aanka Maxkamadda, waxayna tilmaameen in dhammaantood ay yihiin dad isku fikir ah.

Waxa ay sheegeen Banaanbaxayaasha in Banaanbaxyadooda aysan joogsan doonin ilaa arrintan xal loo helo, iyaga oo baaq u diray Hoggaamiyeyaasha ururada ka jira Mareykanka, si Banaanbaxa loo xoojiyo.

Dalalkan oo Lix ka mid ah ay yihiin muslimiin ayaa waxa ay kala yihiin Iran, Liibiya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Waqooyiga Kuuriya, Chad iyo Venezuela.

Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa shalay oo Talaado aheyd ku dhawaaqday in sharci uu yahay go’aankii xayiraadda dhinaca socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump uu saaray wadamadan aan kor ku soo sheegnay.

SHARE