Nabadoon Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Degmada Baraawe

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xalay gudaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hosoe ku dilay Nabadoon lagu Magacaabi jiray Sayidnaa Xaajow oo ka mid ahaa Waxgaradka Degmadaasi.

Marxuumka la dilay ayaa mar soo noqday Xoghayihii Degmadaasi Sanadihii 1985-tii illaa 1991-kii, balse hadda wax uu ka mid Nabadoonada sida weyn looga yaqaanay Gobolkaasi Gedo.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in 2 dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Marxuumka, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa Saakay baaritaano ka wada Xaafadaha Magaalada Baraawe, inkastoo weli saraakiishu aysan  faah faahin ah ka bixin baaritaanadaasi.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Baraawe oo ku aadan dilka Nabadoonkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Baraawe ka dhacayay falal liddi ku ah Ammaanka, sida weeraro qorsheysan oo ay ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab oo ku sugan Nawaaxiga Degmadaasi.

SHARE