Nabadoon Caan Ahaa Oo Xalay Lagu Dilay Degmada Baardheere December 6, 20170

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xalay gudaha Degmada Baarhdeere ee Gobolka Gedo ku dilay Nabadoon lagu Magacaabi jiray Seydunaa Xaajow oo ka mid ahaa Waxgaradka Degmadaasi.

Marxuumka la dilay ayaa mar soo noqday Xoghayihii Degmadaasi Sanadihii 1985-tii illaa 1991-kii, balse hadda wax uu ka mid Nabadoonada sida weyn looga yaqaanay Gobolkaasi Gedo.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in 2 dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Marxuumka, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa Saakay baaritaano ka wada Xaafadaha Magaalada Baardheere, inkastoo weli saraakiishu aysan  faah faahin ah ka bixin baaritaanadaasi.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Baardheere oo ku aadan dilka Nabadoonkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Baardheere ka dhacayay falal liddi ku ah Ammaanka, sida weeraro qorsheysan oo ay ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab oo ku sugan Nawaaxiga Degmadaasi.

SHARE